Jay Xiong 67B
  • Home
  • Vote
  • Legislative Updates
  • Donate
  • Priorities
  • Volunteer
  • Contact
Gacaliye Saaxiibo,
Magacaygu waa Jay Xiong. Waxaan ahay musharax u sharaxan aqalka hoose ee degmada 67B. 38 sano ka hor qoyskayga waxa ay maraykanka ku yimaadeen qaxootinimo. Labadayda waalid waxay ahaayeen shaaqle hoosaad ku shaqeeya lacag yar, waxyna ku noolayeen guryaha dadka dakhligoogu aadka u hooseeyo. Marwalba waxa ay xaqiiqsanaayeen wax barshadu in ay tahay dariiqa guusha. Wax barshadaydu waxa ay qayb ka tahay sheekada qoyskayga. Anigu waxaan ku faraxsanahy in aan ka mid ahay ardayda ka aflxaday waaxda waxbarshada ee Saint Paul waaxana ka baxay dugsiga sare ee Como. Hada waxa aan ahay 35 jir ku faraxsan nolosha magaalada Saint Paul, sida qof walba oo maraykana ama yimid halkan ugu faraxsanyahay sababtoo ah waxa ay leedahay fursado shaqo, waa meel ilmaha lagu korsan karo, waa meel lagu noolaan karo sidaas ayaan u jecelnahay magaalada.


Sanado kadib markii aan soo dhamaystay waxbarshadyda heerka jamacadeed kana soo qalin jabiyay macadka Saint Olof, waxa aan ku soo noqday magaaldayda Saint Paul si aan ugu shaqeeyo dadkayga. Waxaan asaasay laba urur oo dadka u fududaynaya in ay fahmaan kana qayb qaataan dimuquraadiyada Asian American Organizing Project iyo Progressive Hmong Americans Organizers. Waxa aan ku faraxsanahy in aan ka qayb qaatay abaabulo badan oo siyaasadeed. Sida oo kale waxaa Sharaf ii ah in aan u soo shaqeeyo dawlada gobolka, aniga oo gacan yaro u ahaa xildhibaanada aqalka hoose.
Aqalka looga arimiyo gobolka intii aan lashaqayaynayay xildhibaanada ha yaraato ama ha badnaato ee waxa ay noqtay mid saameyn igu  yeelata aniga oo markaa la shaqynaya sharci dajiyaasha gaar ahaan xisbiga dimuqaardiga kalana shaqeeyay markaa sidii shaqaalaha lacagta loogu kordhin lahaa lana siiyo mushahar marka ay jiranyihiin. Sidoo kale waxa aan qayb ka qaatay sharcigan (WESA) oo mid ilaalinaya xuquuqda hooyooyinka shaqeeya isla markaana siinaya fursado ay ku shaqeeyan kasoo ay maalgalinayso Minnesota Hmong-Lao veterans. Waxa iga go’an in aan u dagaalamo sinaanshaha iyo in dadku ay u sinaadaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Ka xildhibaan aqalka hoose oo degmadeena ah waxa aan xooga saari doonaa:



Waxbarshada


Waxa aan ka shaqeyn doona had iyo jeer kor u qaadida tayada wax barasho ee caruurteena, in kasta oo aynu leenahay adeeg wax barsho oo wanaagsan. Hadana waxa jira farqi yar uu u dheexeeya xaga wax barshada ilmaha cadaanka ah iyo kuwa midabka ah. Gobalkeenu waa in uu horumariyaa waxbarshada ilmaheena iyada oo aan loo eegayn midab. Waxa aan noqon doona mid ku hadla afkiina anoo ka turjumaya baahiyiina  aasaasiga ah.


Amniga Dadweynaha


Waxa aan ku dadaali doonaa in aan kor uqaado xidhiidhka bulshada iyo bilayska ee degmadeena. Mudooyinkii u danbeeyay waxa ka dhacayay nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ah fadeexooyin iyo tacadiyo la xidhiidha bilayska iyaga oo ugaysanaya dad aan hubasnayn. Waa in aan ka hortagnaa dhamaanteen dhan uga soo wada jeesanaa arintaa, ma rabno in naf danbe ku baxdo si fudud haday tahay saraakisha bilayska ama shacabka. Waxaan si dhow ula shaqeyn doonaa hayadaha dawlada, iyo qaybha kala duwan ee bulshada sida culimada si loo xoojiyo isdhexgalka, isfahanka iyo aminga dadweeynaha.


Deegaanka


Cimilada isbadalaysa oo saameyn ku yeelan doonta aadamaha. Waxa aan hirgalin doonaa siyaasad hoos loogu dhigayo hawada la wasakheynayo anaga oo doonayna in ay dadku ku noolaadaan jawi degan oo wanaagsan oo caafimad leh, waxaa an kor u qaadi doonaa goobaha dadweynaha ay ku nastaan. Qaybta bari ee magaalda Saint Paul oo ah meel wanaagsan waxa iga go’an in aan horumariyo.


Dib u dhiska Goobaha Dadweynha


Waxa aan u halgami doonaa sidii dhanka Bari ee magaaladu uga qeyb qaadan laheyd ilaha dib udhiska. Laga soo bilaabo wadooyinkeena, buundooyinka, dariiqyada iyo bulaacadaha. Waa wajib ina saran in aan horuru marino dhaamaan kaabooyinkaas odhan si qof walba ugu sahlanaato si uu helo adeeg gaadiid uu Meesha uu rabo ku gaadho.


Kobcinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Shaaqaalaysiinta


Waxaan rabaa in aan si fiican uga wada shaqeyno inaga oo iskaashanayna, islamarkaana aan horumarinayna si gaara inaga oo dadka oo dhan gaadhsinayna dhawaqeena horumarinta xaga shaqada niyo tayaynteeda. Dhamaanteen waxa aan rabnaa in aynu u wada istaagno isla markaana keeno fikarado cusub oo inoo keeni karo shaqooyin cusub. Waxa aan sameyn doona sharciyo caawin doonaa ganacsiyadeena yar- yar kuwaas oo wax weyn ka tari doona bulshadeena iyo jaarkeena xaga shaqaalaysiinta. Waxa aan soo dhaweyn doonaa dadka ku cusub degmadeena kuwii hore udegaana waan la shaqeyn doonaa.

Waxaa aan idinka rajaynayaa in aad la wadaagtan waxaa aan u taagnahay iyo isbadalka dadka degmada., waxa aan rabaa in aan maqlo waxa ad tabanaysan iyo fikradiihina sida oo kale hadii aad haysaan su’aalo. Waxaa aan mahad celinayaa Sheldon Johnson oo degmada xildhibaan ka ahaa 18 sano iyo senatarkii hore ee degmada Mee Moua kaas oo xafiiska ka tagay toban sano ka hor. Mee waxa ay ugu tagtay bulshada gaar ahaan dhalin yarta wax qabad dhaxal gala kaaso wali laga dareemo degmadeena. Waxaa aan halkaa ka sii wadi doona wax qabadkii Sheldon Johnson iyo Mee Moua waxaana u baahanahay taageeridiina.


Waad mahadsantihiin,


Jay Xiong

Candidate for Minnesota House District 67B

Powered by Create your own unique website with customizable templates.
  • Home
  • Vote
  • Legislative Updates
  • Donate
  • Priorities
  • Volunteer
  • Contact